Marka la joogo suuqa shaqada, waxaa aad loo tixgeliyaa dadka heesta shahaadooyinka Professional certificate-ka.
Dad badan ayaa ku daaly in ay shaqo ku raadiyaan shahaadooyinka nidaamiga ah ee Jaamacadaha laga qaato.
Shahaadooyinka Professional Certificate waa shahaadooyin uu qofka si toos u baranayo takhasus gaar ah isagoo helaya shahaado aqoonsi heer caalami leh oo uu si fudud shaqo uu ku heli karo.
Haddaba SHANTA shahaado ee ugu caansan dhanka Xisaabaadka iyo Maaliyadda waa:
- ACCA – Association of Chartered Certifird Accountanta.
Waxaa bixiya Hay’ad laga leeyahay UK. Waana mid kamid ah shahaadooyinka aadka loo barto. Tiro Soomaali ayaa si rasmi ah u helay shahaadadaan.
Si aad u heshid shahaadadaan, waa in aad ku baastaa 13 Maado. Maadooyinka ayaa loo kala qaaday saddex qeybood.
Qeybta koowaad waxa ay ka koobantahay 3 maado.
Qebybta labaad, waxa ay ka koobantahay 6 maado. Halka ay qeybta ugu dambeysa ee saddexaad ay ka koobantahay Afar maado.
Si aad u baastid maado walba, waa inaad keentaa 50%. Tani ayaa dad badan ku soo jiiday inay bartaan.
Mudada ay qofka ku qaadan karto waa 3 sanno cel-celis ahaan. Ka yar iyo kabadan waa ay ku qaadan kartaa.
2. CPA – Certified Public Accountant –
Waddan walba wuxuu leeyahay CPA u gaar ah. Balse midka US iyo Australia ayaa ah kuwa ugu caansan ee la qaato.
Si aad u heshid shahaadadan, waxa ay kaaga baahantahay dadaal iyo waqti.
Si aad u baastid imtixaan walba, waa inaad keentaa ugu yaraan 75/99.
Waqtiga ay kugu qaadan karto helitaanka shahadaada ayaa u dhaxeesa 18-30 Bilood.
3. CFA- Certified Financial Analyst.

Waxaa bixisa Hay’ad caan ah oo laga leeyahay U.S. shahaadadaan waxay diiradda saartaa arimaha Maaliyadda iyo falanqeynteeda.
Waa mid kamid ah shahaadooyinka ugu muhiimsan ee Xirfadda Maaliyadda. Waxa ay ka koobtanahay saddex qeybood oo halkii qeyb ay tahay hal imtixaan oo 10 maado laga keenayo.
Qeyb walba waa inaad keentaa 70% iyo wixii ka sareeya si aad u baastid.
Waqiga: Saddex sand ayay ku qaadan kartaa qofka cel-celis ahaan.
4. Certified Financial Planner (CFP)

waa shahaado ay badi Soomaalida muhiimad weyn aan siin laakiin muhiimad weyn leh.
CFP Waxaa laga leeyahay Mareykanka. Balse waddan walba wuu leeyahay shahaadadan. Haddii uu qofka qaato shahaadada, wuxuu furan karaa shirkad yar oo dadka hantida leh ka caawisa arimaha maamulidda hantida iyo bixinta canshuuraha.
5. CIA – Certified Internal Auditor.

Waa shahaado ay bixiso hay’ad fadhigeedu yahay USA.
CIA waxa ay ka koobantahay 3 Qeybood. Si aad u baastid qeyb walba, waa inaad keentaa 70% iyo kabadan. Waqtiga ay qaadato oo sagaal bilood ah ayaa dad badan jecleystay inay bartaan.
Dhammaan shahaadooyinka wuu bilaabi karaa qof walba, xitaa haddii aadan wax aqoon hore u laheen arimaha maaliyadda iyo xisaabaadka. Kaliyada waxay u baahantahay dadaal, waqti iyo qarash.
Qoraa: Sakariye Xasan, PHD
Mahadsanid, wll. I.a waxaa rajeynaa in aan labo kamid ah in aan ka diyaariyo shahadoyinka professional.
Mida kale, luqada English bal kasoo hadal, maadama dhalinyarada oo dhib ku heyso, oo aniga kamid ahay, marka kasoo hadal sida dhalinyarada soomaaliyeed sida ay u hormarin lahayen heerka luqadoda.
Amazing article
Si wanagsan ayad u diyarsay, horay u soco. Masha Allah.
gruppe? Der er mange mennesker, som jeg tror virkelig ville