Caqliga Macmalka ah (Artificial Intelligence), oo loo soo gaabiyo AI, waa mid ka mid ah horumarrada ugu waa weyn ee dunida casriga ah ee digital ka lagu arkay.
AI wuxuu awood u leeyahay inuu qabto hawlo hore u ahaan jiray kuwo kaliya ay qaban karaan maskaxda aadanaha, sida: go’aan qaadasho, wax barasho, iyo falanqeyn xogeed.
Maanta, AI wuxuu si buuxda u saameeyay qaybaha kala duwan ee nolosha, sida:
- Caafimaadka.
- Waxbarashada.
- Ganacsiga.
- Isgaarsiinta.
- Gadiidka.
AI wuxuu dunida ka dhigay mid:
- Degdeg badan,
- Fudud,
- Iyo mid ka feker badan sidii hore.
Horumarka AI wuxuu naga caawiyay inaan shaqooyin badan ku qabanno waqti yar iyo howl badan, taasoo wax weyn ka beddeshay sida aan u shaqeyno, u noolaanno, una qorsheyno mustaqbalkeenna.