CALAAMADAHA GUUSHA
Ogu horayn guusha qofka muslimka ah waa in uu illaahay raaligaliyo uuna ku dadaalo sidii uu maalinta aakhiro uga midnoqon lahaa safka nabi muxamed nabadgalyo iyo naxariis korkiisa haa ahaatee.
Iyada oo uu jiro hadafkaas wayn hadana waxaa jiro hadafyo kale oo larabo qofka muslimka ah inta uu aduunka joogo in uu xaqiijiyo si uu ugu kaalmaysto gaaritaanka yoolka wayn ee ah guusha aakhiro hadaba waxaan si kooban halkaan ugu soo bandhigi doona calaamadaha muujinayo in qofku uu hayo wadada guusha oo hadii lagu arko ruuxu isaga oo ku mashquulsan ama dadaalkiisa saarayo qodabadaan ay tahay in lagu sifeeyo qof haya wada guusha isaguna ay tahay in uu aamino in uu gaari doono guusha inshaa allah waqtigu ama haa dhawaado ama haa dheeradee.
Waxbarasho Joogta ah dadka guusha raadiya markasta waxa ay wadaan waxbarasho si ay u ogaadaan waxbadan waayo markasta waxaa jiro waxbadan oo aadan ogayn, xirfado badan oo aadan aqoonin markasta waxaa jiro fursado sida kaliya oo lagu gaaro ay tahay waxbarashada joogtada ah, dadka guusha nolasha day’daya markasta waxbay akhriyaan, markasta suaal ayay qabaan, markastana waxbarasho ayay kujiraan ama raadinayaan.
waa kuwa aan ka baqin guuldarada
dadka guusha raadiya waxa ay fahmaan in guuldaradu ay tahay safarka guusha lagu gaaro, dadka guuldarada u arka in ay tahay fursada koritaanka ee aan u arkin dhammaadka nolasha waa kuwa markasta gaara hadafyadooda nolaleed.
Waxa ay leeyihiin aragti nolaleed oo cad(Clear Vision)
dadka haya wadada guusha waxaa lagu yaqaanaa in ay leeyihiin hadaf cad oo ay rabaan in ay xaqiijiyaan.
Daraasadaha cilmibaariseed waxa ay sheegaan in dadka leh Ahdaaf qoran ay yihiin kuwa gaaro yoolkooda marka labarbardhigo kuwa aan lahayn ahdaaf qoran.
waxa ay wax ka eegaan dhanka wanaagsan
Dadka haya wadada guusha waxa ay saaxiib ka dhigtaan dadka dhanka wanaagsan wax ka fiiriyo, Nabigeena nabadgalyo iyo naxariis korkiisa haa ahaatee isaga oo arintaan muhiimadeeda nadareensiinayo waxa uu yiri “qofku waxa uu haystaa diinta saaxiibkiis ee haa iska fiiriyo midkiin cida uu lasaaxiibayo”, Xadiis
aqoonyahanada cilmi nafsigu waxaa ay dhahaan qofku waxa uu noqdaa shanta qof ee uu saaxiibka layahay, hadaba dadka guusha raadiya waxa ay marwalba saaxiib la yihiin dadka wan wanaagsan ee dhiirigaliya, wixii qaldan ka hor istaaga isla markaana ruuxdooda galiya waxyaabo kicinayo dhanka wanaagsan iyo hormarkana gaarsiinaya.
Waxa ay leeyihiin akhlaaq wanaagsan naftoodana waa ay tarbiyadeeyaan
dadka wadada guusha haya waxa ay ku sifaysanyihiin joogtayn, adkaysi, iyo dadaal aanan dhamaanayn ilaa ay ka gaaraan ujeedadooda.
Waa kuwa leh dareen naxariiseed
Oo macnaheedu yahay waxay fahmaan dareenka dadka kale taas oo ka caawinayso in ay ilaaliyaan quluubta dadka kale oo aysan dhaawac gaarsiinin.
waa kuwa adkaysi badan
Nolasha waxa ay u baahantahay adkaysi iyo adadayg sidaa daraadeed dadka wadada guusha haya waxaa tilmaan u ah adkaysi ay ku adkaystaan in ay ka miro keenaan yoolkooda waxa ayna bixiyaan dadaal iyo nafhurnimo si ay u gaaraan yoolkooda.
Adkaysigu waxaa lagu qeexaa in uu yahay shidaalka dhaqaajiya ruuxda rabta in ay gaarto meelsare waayo nolashu kama dhamaato imtixaan iyo caqabado soo wajaho qofka.
Waxa ay daryeelaan caafimaadkooda
Dadka guusha raadiya waxa ay kataxadaraan caafimaadkooda iyaga oo ilaaliya Cuntadooda, waxay sameeya jimicsi joogta ah, waxay seexdaan hurdo kufilan, waxayna qaataan waqti nasiino si ay dib ugu cusboonaysiiyaan awoodooda jir ahaan iyo maskax ahaanba.
Waxa ay qabtaan waxa ay jecelyihiin
Dadka wadada guusha haya waxaa lagu yaqaanaa waa kuwa barta waxa ay jecelyihiin, ka shaqeeya waxa ay jecelyihiin, ku mashquulsan mashruucyo ay jecelyihiin, oraah ayaa tiraahdo “sirta nolashu ma ahan in aad hesho waxa aad jeceshahay laakiin waa in aad jeclaato waxa aad qabanayso”.
Gunaanad
Qofkasta oo rabo in guul gaaraa waxaa laga rabaa in uu naftiisa barto marka koobaad, kadibna waa in uu fiiriyo caadooyinkiisa maalinlaha ah si uu u qiimeeyo in uu hayo wada guusha iyo inkale.
Waxaa diyaariyay: Maxamed Xasan Maxamed(Fitig)